War Deg Deg: Ciidamada Jabuuti Oo Heegan La Galiyay Kadib Wasiirrada Arrimaha Dibedda Itoobiya Soomaaliya Iyo Eretrea Oo Ku Wajahan Dalkaasi

0

Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea ayaa la filayaa in ay dhawaan kulan Saddex Geesood ah ku yeeshaan Magaalada Dj-Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa xaqiijiyay Xogta ku saabsan safarka saddexda Wasiir arimo dibadeed ee ku wajahan Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doono sidii xal waara looga gaari lahaa xurgufta dhex taalla dalalka dariska ah ee Jabuuti iyo Eretrea.

Kulankan ay Jabuuti ku yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ayaa waxa uu qayb ka yahay shir ay Magaalada Casmara ku yeesheen madaxda Waddamada Saddexdan Dal, kaasoo ku qotoma in la dhammeeyo mad-madoowga siyaasadeed ee ka dhex jira Waddamada Bariga Afrika, laguna beddelo nabad , horumar iyo wada noolaasho.

Lama oga Jabuuti sida ay uga fal celin doonto Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea oo kusoo wajahan magaalo madaxda Jabuuti.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here