Doorasho ka dhacday xarunta golaha deegaanka magaalada Boosaaso ayaa lagu doortay gudoomiyaha cusub ee magaalada Boosaaso.
Xildhibaanada golaha shacabka Boosaaso ayaa doorsho ka dhacday magaalada zahaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan wasiir kuxigeenkii hore maaliyada maamulka Puntland, iyo Maxamed Faarax xaaji Mire.
Doorashada ayaa waxaa kusoo baxay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo codadkii xildhibaanada golaha deegaanka dhiibteen helay codad gaaraya ilaa 28, halka Maxamed Faarax xaaji Mire oo ahaa wiil dhalinyaro uu helay 3 Cod.
Dhanka kale ku xigeenka Duqa degmada Boosaaso waxaa ku guuleystay Siciid Cabdiraxaam Garoon oo helay 26 cod, halka masharaxii la tartamayay oo ahaa Mubaarak Salaad Cali uu helay 5 codadkii la dhiibtay.
wasiir kuxigeenkii hore maaliyada Puntland ee shalay is casilay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa noqonaya duq cusub ee magaalada Boosaaso.

