DEG DEG: Ciidamada Dowladda Oo Magaalada Qoryooley Ka Dhax Baadi Goobaya Rag Katirsan Al Shabaab

0

Ciidamada Military-ga dowladda ayaa saakay howlgalo qorsheysan ka wada Degmada Qoryooleey ee gobalka Shabeellaha Hoose, kadib markii ciidamada dowladda la sheegay iney ka war heleen Xoogag katirsan Alqaacidda Soomaaliya ee Al shabaab oo gudaha usoo galay magaaladaasi.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo magaciisa diiday inaan u adeegsano qalabka warbaahinta ayaa sheegay in howlgalo xoogan saakay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ay ka sameynayaan gudaha iyo hareeraha magaalada, kadib markii laamaha amaanka magaalada ay soo gaartay warar sheegaya in gudaha ay usoo galeen degmada ciidamo katirsan Xarakada Al shabaab ee Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya shacabka magaalada iney ka cabsi qabaan gaar ahaan dhalinyarada inuu saameyn ku yeesho howgalkaasi ciidamada dowladda dhalinyarada qaar ay ku kaxeysanayaan, halka kuwa qaarna la weydinayo su’aalo la xiriira dagaalyanada Al shabaab.

Waxii Kusoo Kordha Howlgalka Kala Soco Facebook/ Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here