Magaaladda kismaayo waxaa maalintii shalay aheyd ka furmay shirka golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka jira,wuxuuna maanta galay maalintii labaad.
Shirkan oo uu marti geliyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa madaxda dowladd gobolleedyada waxaa ay sheegeen in shirkaan looga arrinsasanayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashi gooda iyo guud ahaan danta caam ka ah ee shacabka soomaaliyeed ay sugayaan in wax laga qabto.
furitaankii. Shirka ka dib Waxa khudbado laga dareemayay dhaleeceyn iyo eed soo jeediyey dhamaan madaxda dowlad Gobolleedyada oo dhan .
Madaxweyne Shariif Xasan oo hadlay ayaa yiri “hubka dowladda Federaalka Soomaaliya ay hayso haddii ay ku bixin weyso in lagula diriro Al-Shabaab xagey u wadaa? Sow maaha wax shaki galinkara cid kasta oo og dhibaatada al shabaab shacab keena ku heyso.
Madaxweyne Shariif Xasan oo sii hadlay ayaa yiri “Shabaab loogama adkaan karo jid la xiro kaliya waxaa looga adkaan karaa in la dhiso ciidan dowladeed oo meel walba gala kagana daba taga miyi iyo magaalaba Arinkan muxuu ku diidan yahay Madaxweyne Farmaajo in Alshabaab la weeraro.
Madaxweyne Waare.oo isna hadlay ayaa yiri Soomaaliya horey ayeey u tiri Buur ahoow ama Buur ku tiirsanoow oo uu la jeedo awood dawladnimo yeelo ama saaxiibo awoodleh yeelo.
Madaxweyne Waare”Soomaaliya waa in ay qeexdaa danaheeda qaran waana in aan anaga isku sheegnaa danta aan leenahay oo aan ku bad baaddeyno waa in la isla meel dhigaa yaa saaxiib noo ah yaan noo ahayn? Wa nasiib xumo inaan kala garan waayney danta soomaali xagee ku jirtaa jabuuti iyo Eriteriya.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo marti loo yahay isna dhankiisa wuxuu fagaarahaasi ka yiri “Dowladda Dhexe ee dalka Xafiisyadeeda kaliya yeysan ku e kaan caasimadda wax qabadkeeda ha soo gaaro dalka oo idil,madaxweynaha dowladda federaalka waxaad mooddaa inuu ku dhaqmayo ama uu wax ku maamulayo sida rabitaankiisa iyo Qancinta aragida Raga ku ag dhadhaw ama sida uu markaas rabo iyo sida isaga ula muuqato aanu marna saaraynin cabbirka dadka talada la wadaagaan qabaan iyo aragtida, waddanka waa waddan nooce ah waddanka la maamulayo dhaqankiisa muxuu yahay, xaladiisu waa side”,
Madaxweyne Gaas ayaa isna hadalka qaatay oo yiri “Lacagaha kaalmada Soomaaliya la siiyo waa in la iskula xisaabtamaa halka ay ku baxdo,waa inaan aragnaa siyaasadda soomaaliya oo laga wada tashto iyo dhisitaanka ciidammada. Sixida dastuurka iyo wada samaynta xubnaha Maxkamada dasuuriga ah oo muhiim u ah awood qayb siga wadanka”,
Madaxweyne Xaaf hogaamiyaha GalMudug “Dowladda dhexe wax walba oo aan heshiis wada galnay iyo mashaariic wada saxiixnay waxaa ay ka badin waayeen Xaaf ha baxo.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquulsan tahay sidii Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay u ridi lahaayeen, madaxda hada xilka haysa arintan oo ahayn wax si fudud loo sameyn karo in maamul la bur buriyo.

