Dalalka Mareykanka iyo ingiriiska ayaa waxa ay sheegeen in ay meel kaga soo wada jeesan doonaan dagaalka kadhanka ah Alshabaab sidaasi waxaa lagu sheegay hadal ay si wadajir ah usoo wada saareen dowladahaasi.
Mark Lancaster kuxigeenka xoghayaha difaaca Ingiriiska ayaa sheegay in ay sare uqaadi doonaan taageerada dhanka dhaqaale iyo sidii dowladaha soomaaliya iyo Kenya looga garab siin lahaa dagaalkaasi kadhanka ah Alshabaab.
Waaxda Mareykanka u qaabilsan geeska Africa ayaa ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaano AFRICOM ayaa inta badan waxaa ay diyaaradahooda fuliyaan duqeymo ay kageesanayaan xarumaha ay kusugan yihiin xarakada Alshabaab guud ahaan dalka.
Ku-xigeenka xoghayaha difacaa ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in Alshabaab ay wali taagan tahay awoodii ay lahaayeen isagoona sheegay in bishii August 31 ee sanadkan inka badan seedax askari lagu dilay halka lix kale ay kudhaawac magaalada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose kadib markii gaari ay saarnaayeen lagula eegtay qarax.
Dhanka kale bishii August 29keedii ayay ahayd markii xubno katirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Somaliya halkaa oo lagu dilay 5 askari oo kamid ahaa ciidamada amaanka Kenya.
Tan iyo sanadii 2011kii dalka Kenya ayaa lugaha lagalay amni daro xoogan kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay gudaha usoo galeen Somaliya si ay dowlada kaga taageeraan dagaalka Alshabaab.

