Shirka Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda oo Kismaayo Ka Furmayo+Qodobadda

0

Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land waxaa maanta ka furmaya Shirka Golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka ka Jira.

Shalay waxaa magaaladda Kismaayo gaaray Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda Puntland,Galmudug, Hir-shabeelle,waxaana maanta lagu wadaaa in uu gaaro madaxweynha Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh aadan.

Shirkaan ayaa diirada lagu saarayaa intuu socdo sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha masiiriga ah ee Dowlad Goboleedyada iyo kuwa guud ee dalka muhiimka u ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo sidii horay loogu sii wadi lahaa arimaha horyaala dhamaan dhinacyada si guul looga gaaro.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in dhamaan shaqooyinka la qabanayo ay yihiin kuwo ka turjumaya maslaxada umada oo samata bixinta Qaranka qayb lixaad leh ka qaadanaya si gaar ah dhinacyada Amniga Dhaqaalaha Hormarinta iyo kuwo kale.

Dhanka kale Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana amniga sugaya Ciidamo gaar ah oo ka socda madaxtooyadda Dowladd Goboleedka jubba-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here