Madaxweynaha Jubba-land oo Kismaayo kula Kulmay Michael Keating+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmay Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating.

Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa lagaga hadlay doorka Hay’adaha Qaramada Midoobay ee gargaarka Tageerada nabadgalyada iyo adeegyada hormarinta ee ay labadii sano ee lasoo dhaafay ka hayeen Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Qaramada Midoobay ku amaanay dadaalka ay ku bixiyaan Tageerada Soomaaliya iyo sidii loo laba jibaari lahaa gaar ahaan Adeegyada dhinaca Hormarinta.

Danjire Keating ayaa sidoo kale la kulmay Madaxda ka qaybgalaysa shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here