War kasoo baxay Xarakadda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay 8-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Al-shaabab ayaa weerar dhowr jiho ahaa waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Degmadda Afgooye.
Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay 8-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,islamarkaana lagu qabsaday saldhigii Ciidamadda.
“Dagaalkii ka dhacay Afgooye Al-shabaab waxay ku dileen 8 askari oo Dowladda ka tirsan 13 kalana waa ku dhaawacmeen halka sedax baabuur ay ku gubeen, al-shabaab waxay gacanta ku dhigeen 6 qori iyo saanado hub ah” ayaa lagu yiri war lagasii daayay warbaahinta Shabaab.
Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkii Degmadda Afgooye waxa ay sheegtay in lagu jabiyay shabaab-kii weerarka soo qaaday.
Al-shabaab ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe weerarada ay ku qaadaan Saldhigyadda Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

