Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Safarka madaxweynihii ka horeeyay kan hada talada haya ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Adan Cade, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay xubno katirsan dowladda gaar ahaan wasiiro xildhibaano qaar kamid ah bulshada rayidka.
Mudane xasan sheekh maxamuud safarkiisa Soomaaliya salka ku haya isku diyaar gareynta doorashada madaxtimimo ee dalka gaar ahaan 2020, iyo ku dhawaaqista Xisbi kulmin doona siyaasiyiin badan oo dowladda mucaarad ku ah ama kaba tirsan, kaa oo mudooyinkii danbe qaba qaabada ku dhawaaqista xisbiga laga daremayay gudaha iyo dibada.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa siyaabo kala duwan ugu hadlay bulashada rayidka iyo Xildhibaano katirsan dowladda Soomaaliya kuwaa oo sheegay iney ka dhuur sugayaan safarkiisa waxa rasmiga ee u qorsheysan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Muqdisho ku leh Siyaasiyiin, Xildhibaano, iyo qaar kamid ah bulshada rayidka oo la dhacsan siyaasadiisa hogaaminta Dalka.

