Maxaa Ka Jira Inuu Ku Dhaawacmay Taliye Jeylaani Weerar Lagu qaaday Hoygiisa “Akhriso”  

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday sarkaal katirsan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ka howlgala Gobalka Shabeellaha Dhaxe.

Weerarka ayaa la aamisan yahay iney ka danbeeyeen Xoogaga Al shabaab oo weerar Xoogan ku qaaday hoyga Taliye Jeylaani Faroole uu ka degan yahay Tuulada Xawaadley oo 22km dhinaca Bari kaga beegan magaalada Balcad ee Gobolla Shabeellaha Dhexe.

Masuul katirsan Maamulka degmada Balcad ayaa Xaqiijiyay weerar xoog leh in lagu qaaday Guri uu ku sugnaa Sarkaal Lagu magacaabo Jeylaani Faroole, balse uu iska difaacay Ciidamo katirsan Al shabaab oo ka danbeeyay weerarka ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu qaday hoyga uu ka degan yahay Tuulada Xawaadley Taliye Jeylaani Faroole inuu ka dhashay khasaare labada dhinac oo aan si rasmi ah loo cayimi karin, balse uu jiro warar sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay taliyaha weerarka Lagu qaaday.

Maamulka deegaanka Xawaadleey oo Xiriiro lala sameeyay ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan Weerarka Lagu qaaday hoyga Sarkaal Jeylaani.

Majirto ilaaa hada cida rasmiga ee ka danbeysay weerarka iyo khasaaraha ka dhashay, balse dadka deegaanka ayaa sheegay raga weerarka qaaday iney katiraan yihiin Xarakada Al shabaab.

waxaana la sheegay inay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.tuulada Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here