Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka shalay ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaaladda Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Kooxda oo lagu baahiyay warbaahintooda gaarka ee AMAQ ayaa lagu sheegay In rag ka tirsan Daacish ay fuliyeen dilka wiil dhalinyaro ahaa oo ka tirsanaa Hay’adaha Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in xiliga la dilay wiilka uu ku sugnaa isgoyska Siinaay,islamarkaana lagu dhuftay dhowr xabadood,taasi oo keentay in isla goobta uu ku geeriyoodo.
Daacish ma aysan sheegin mgacaa wiilka ay dileen.

