Shariif Xasan oo Lagu Eedeyay Inuu Diyaarsaday Guddiga Doorashooyinka+Dhageyso

0

Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo kamida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in madaxweynaha maamulkaasi oo ka mida  musharixiinta Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu diyaarsaday Guddi doorasho oo uu isagu qoray.

Aadan Saransoor oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in Shariif Xasan liiska Guddiga doorashada ee uu isagu qortay uu doonayo inuu ku dhawaaqo Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo uu sheegay inay tahay arrin sharci darro ah oo aan aqbali karin.

Wuxuu kaloo intaasi ku daray inaan doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed lagu qaban karin xarunta madaxtooyada oo Baarlamaanku dhex degan yahay, wuxuuna ka digay in arrintaasi aysan suuragal ahayn doorasho xalaal ah inay ka dhacdo.

Ololaha doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si xowli ku socda iyadoo loo qorsheeyay inay doorashadu dhacdo 17-ka Novemnber 2018, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaana ah musharaxa ugu cadcad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here