Mareykanka oo Sheegay in Xalka Soomaliya Uusan Noqon Karin Cuddud Ciidan

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xalka Amniga ee Soomaaliya uusan noqon Karin oo Kaliyah Cuddud ciidan.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan Safiirka  Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya u magacaabay Donald Yamamoto, kaas oo hortagay Guddiga golaha senate-ka u qaabilsan Arrimaha  Dibedda waxa uu ka hadlay siyaasadda, Amniga iyo Horumarinta Soomaaliya.

“Aragtida Mareykanka ma ahan Kaliyah in Xalka amniga Soomaaliya aan ka wada raadinno Cuddud ciidan, laakiin waa in kala qeybsanaanta qabaa’illada Soomaaliyeed xal u helnaa, nabadda iyo wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada wax weyn bey ka tari doontaa dib u dhiska dalka oo dhan” ayuu yiri Danjire Donald Yamamoto

Waxa uu sheegay in Mareykanka cabadaha yaryar ee ka heysa sidii ay toos ugu shaqeyn lahayd safaaraddiisa Muqdisho in ay u raadin doonaan xal deg-deg ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here