Magaalada kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga dareemaya maanta xiisad kacsanaan ah, kadib markii ciidamada kala duwan ee maamulka lagu arkayo wadooyinka magaaladaasi.
Xiisadda kacsanaanta magaalada ayaa salka ku heysa khilaafka u dhaxeeya hogaanka Jubbaland iyo madaxda dowladda dhaxe Soomaaliya, oo maalinba maalinta kasii dambeysa kasii dareysay khilaafka ka dhax aloolsan mas’uuliyiinta maamulkaasi iyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo.
Siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya oo ku sugan kismaayo ayaa walaac kii ugu xumaa ka muujiyay hab dhaqanka maamulka uu majaraha u hayo madaxweynaha Jubbaland oo ay sheegeen inuu beegsi toos ah ku hayo xunaha mowqif ahaan taageersan dowladda Soomaaliya.
Mid kamid ah odayaasha dhaqanka gobalada Jubbooyinka oo diiday magaciisa inaan u adeegsano qalabka warbaahinta ayaa sheegay inta sano ee uu joogay Kismaayo inuusan arag wax lamid ah maamulka Axmed Madoobe uu hogaamyo oo beegsi toos ah ku haya dadka mowqif ahaan taabacsan dowladda Soomaaliya.
Nabadoonka ayaa intaa ku daray maamulka inuu magaalada Kismaayo ka wado caburin toos ah, jagooyinkii ugu sareeyay ee maamulkana ay heystaam dad ku beel ah madaxweynaha.
Dhanka kale Korneel magaciisa diiday inaan bulshada la wadaagno ayaa sheegay in qaar kamid ah dad taageersan dowladda Soomaaliya lagu xir xiray magaalada kismaayo, xaalada magaaladana ay tahay mid kacsan maadaama ciidamada amaanka Jubbaland xabsiga ay dhigayaan cid walba oo loo arko iney mowqif ahaan taageersan tahay dowladda fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Korneelka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay caburinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo saraakiishii hore ee ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan kismaayo inuu ka danbeeyo madaxweyne Axmed Madoobe.
Mudooyinkii danbe xiriirka ka dhaxeeya madaxda dowladda dhaxe ee Soomaaliya iyo hogaanka maamul gobaleedka Jubbaland ayaan aheyn mid wanaagan, sababa la xiriira maamulka Jubbaland oo xabsiga dhigay saraakiil katirsan ciidamada Xooga dowladda iyo kuwa nabad sugida oo dowladda u magacaawday iney ka howlgalaan gobalada maamulka Jubbaland.

