Maleeshiyo Ay Tababartay Jabuuti Oo Dhac Iyo Dil Ka Geystay Bartamaha Soomaaliya + Dhageyso

0

Maamul degmada Jalalaqsi ayaa walaac ka muujiyay maleeshiyo logu magacaabo Macawiisleey oo ay tababareen saraakiil katirsan ciidamada Military-ga Jabuuti ee Gobalka Hiiraan.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Jalalaqsi oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in maleeshiyo ay tababareen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee gobalkaasi, ay dhibaatooyin xoogan ku hayaan shacabka degmada Jalalaqsi, maadama ay yihiin maleeshiyaad dhac jirdil u geystay shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Jalalaqsi ee gobalkaasi.

Xuseen Shiikh Qaasim ayaa ku eedeeyay saraakiisha Ciidamada Jabuuti iney tababareen, balse aysan siinin wax mishaar ah, qabada magaalada ka taagana ay sabab u yihiin maleeshiyaadkaasi.

Maleeshiyadan loogu magaca daray Macawiisleeyda ayaa waxaa ay kamid yihiin maleeshiyaad ka howlgala gobalkaasi Hiiraan, balse waayadii danbe horjoogayaasha maleeshiyada ayaa gacan saar lalahaa dhanka Military-ga Jabuuti oo siinayay mishaaraad iyo tababar intaba, inkastoo markii danbe ee ay soo qaateen tababarka qaarkood ay magaalada ka geysanayeen falal lidi ku ah amniga gobalka.

Dhageyso Codka: Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Iyo Siyaasadda Jalalaqsi

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here