Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaare geystay oo maanta lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Jabuuti oo marayay duleedka degmada jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ee Muqdisho ayaa sheegay inuu maqlayay laba qarax oo xoogan kuwaa oo ka dhacay duleedka Magaalada Jalalaqsi, balse uusan garan Karin khasaaraha ka dhashay.
Sarkaal katirsan ciidamada Military-ga dowladda Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa Simba u xaqiijiyay jiritaanka qaraxyadaasi, waxuuna sheegay in laba qarax oo ahaa kuwa miinooyinka dhulka lagu aaso lala eegtay cutubyo katirsan ciidamada dowladda Jabuuti ee ka howlgala gobalka Hiiraan.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Jalalaqsi Xuseen Shiikh Qaasim oo la hadlay Shabakada Warbaahinta Simba ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadaasi, waxuuna sheegay iney jiraan dhimasha iyo dhaawac ka dhashay.
Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaasi Miino.
Dhageyso codka: Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Jalalaqsi.

