Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya oo Qarax Ka Badbaaday

0

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa duhurnimadii maanta waxa uu  ka dhacay meel ku dhow xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo uu la socday wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Collaad Rooble.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda kolonyada wasiir ku xigeenka lala eegtay

“Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa inoo soo sheegay in kolonyada la beegsaday ka soo baxday xarunta wazaarada gaashaandhiga, islamarkaana uu qaraxu qabsaday xilli ay marayeen agagaarka xero Jarmalka” ayaa lagu yiri war lagasii daayay warbaahinta Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here