Xaliimo oo Sheegtay Inaan Waligeed Laga Gudbi Doonin Caqabada Doorasho Qof iyo Cod

0

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey) ayaa sheegtay inaan waligeed laga gudbi doonin caqabada in doorasho qof iyo cod laqabto inta mas’uuliyiinta dalka ay cabsi ka buuxdo.

Waxa ay sheegtay In Madaxda dalka iyo kuwa Maamul Goboleedyadda ay cabsi weyn ay ka qabaan arinta Doorashadda qof iyo cod,Islamarkaana ay doonayaan in lagu sii jiro mida Ergooyinka ay wax soo dooranayaan.

“Markaan daraasad badan aan sameynay waxa nagashay rajo aad u fiican,waxaan araknay wadamo naga dhib badnaa oo ku guuleystay qabashadda doorasho qof iyo cod,sideed iyo toban sano waxaan ku jirnaa waxaa la qabanayaa doorasho qof iyo cod,madaxda dalka ayaa ayay cabsi ka buuxdaa,waxaa la rabaa in la isku dayo ugu yaraan”, ayay tiri Xaliimo Yarey.

Sanadka 2020-ka ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod,waxayna Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in aan laga baaqsan doonin qabashadda doorashadaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here