Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle C/laaahi Maalin Sufurow oo wareysi gaar ah siinayay idaacaddda simba ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay warar maalmahaan la isla dhexmarayay oo ku aadan in khilaaf uu ka dhex taagan yahay mas’uuliyiinta gobolka Kadib markii looga yeeray magaladda jawhar oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle.
Gudoomiye Sufurow ayaa tilmaamay in jowhar ay u tageen oo kaliya arrimo maamul balse wax khilaaf ah uusan ka jiran masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan.
Waxaana uu si cad ah uu uu sheegay Gudoomiyha in wax khilaaf ah uusan ka taagneen masuuliyiinta gobolka Hiiraan balse waxaa uu sheegay in ay u tageen siddii laysku fahansiin lahaa maamul wanaaga.

