Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maalinta berri ah booqan doona Jamhuuriyadda Jabuuti.
Agaasimyaasha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Maxamad Axmad ayaa sheegay in Booqashada Madaxweynaha ay salka ku haysa sii xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.
Safarka madaxweynaha Dowladda Sooomaaliya Farmaajo ee dalka Jabuuti ayaa kusoo aadaya xili xiisadd siyaasadeed ay u dhaxayso Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.
Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka xumaatay hadal uu Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Magaaladda Asmara oo ahaa in cunaqabeynta hubka laga qaado dalka Eriteria oo khilaaf dhanka dhulka uu kala dhaxeeyo Jabuuti.

