Faah-faahin;-Cabdulaahi Cali Cumar oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in caawa gudaha Magaaladaas lagu dilay Maareeye ku-xigeenkii Shirkadda isgaarsiinta Golis Cabdulaahi Cali Cumar.

Dilkaan ayaa ka dhacay Salaadii Cisha kadib dhabarka dambe ee xarunta shirkadda Golis sida goob-joogayaal ay inoo xaqiijiyeen.

Rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka maareeyaha,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay .

Ilaa hadda dhacdadaan kama aysan hadlin maamulka gobolka Bari ee Puntland, laamaha ammaanka iyo shirkadda uu katirsanaa mas’uulkaas.

Dhanka kale amniga magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa u xumaaday mudooyinkii dambe,waxaana lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here