Taliska mareykanka uqaabilsan geeska Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan AFRICOM ayaa war qoraal ah kasoo saaray weerar la sheegay in askari katirsan ciidamada marekanka lagu dilay halka afar kale uu dhaawac kasoo gaaray dagaalkaasi kadib markii weerar ay kala hor yimaadeen xubno katirsan xarakada Alshabab ayaa lagu yiri hadalkan kasoo baxay taliska mareykanka uqaabilsan geeska Africa.
Weerarkan oo ka dhacay koonfurta soomaaliya jimcihii oo ciidamada gaarka ah ee kasocda dalkaasi ay dagaal kala horyimaadeen xubno katirsan Alshabaab oo mareykanka uu sheegtay in weerarkaasi looga dilay askarigaasi iyadoona dhinaca kale weerar kale oo ay fuliyeen diyaarado mareykanka laga leeyahay oo duqeyn ka fuliyay koonfurta soomaliya kaa oo ay ku sheegteen in 6 xubnood oo katirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyntaasi.
Todobaadkii aynu kasoo gudubnay Saldhig ay lahaayeen ciidamada marekanka oo ahaa saldhig tababar ayaa lasheegay in ay weerar kala kulmeen xarakada Alshabab halkaa oo lasheegay in waxyeelo isugu jira dhimasha iyo dhaawac ay sookala gaartay labada dhinac ee dagaalka uu dhaxmararay.
Dhinaca kale Tan iyo markii uu xafiiska lawareegay madaxweyanaha dalka marekanka Donld Trump ayaa sare uqaaday weerarada dhanka cirka ah ay kageesanayaan guud ahaan soomaaliya iyadoona bartamihii sanadkan la dilay labo kamid ah askarta kasocota marekanka.
Ugu dambeyntii mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadooda ku sugan geeska Africa ay dhimi doonaan kadib markii qaraar ay soo gudbiyeen waaxda difaaca mareykanka ee Bentigonka kaa oo ay ku baaqay in ladhimi ciidamadooda kusugan guud ahaan gobolka.

