Midowga yurub ayaa sheegay in ay balaarin doonaan howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee kaqowleysata badaha ku yaala geeska Africa ayaa lagu yiri hadalkan kasoo baxay midowga yurub
Midowga yurub ayaa shaaciyay waqti kordhintan ay u sameeyeen howlgalkaasi kaa oo lagu sheegay in hishiiskaan uu shaqeyn doono ilaa laga gaaro 31 bisha December ee sanada 2020-ka.
Dhinaca kale midowga yurub ayaa balan qaaday in amniga xeebaha soomaaliya ay aad kaga difaaci doonaan burcada maraakiibta shisheeye ee isticmaalaya si loo yareeyo afduubyo horleh oo loogeysto dadka ajaanibta ah ee saaran maraakiibtaasi.
Afhayeen u hadlay midowga yurub ayaa sidoo kale carabaabay in hishiiskan uu kusoo aadayo kadib markii 29 bisha March ee sanada 2019-ka uu ku ekaa hishiiskii hore ee ladagaalanka burcad badeeda taa oo sababtay in sare looqaado maadama ay wali taagan tahay xaalada amni daro ee xeebaha geeska Africa.

