Faah-faahin;-Qarax Xoogan oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku dhimatay, 7-kalana way ku dhaawacmeen oo shacab ah kadib qarax caawa ka dhacay magaaladda muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa islamarkaana yaalay laamiga dhiniciisa ayaa ka dhacay Maqaaxi dhawaan la furey oo ku taalla dhabarka dambe ee Shineema Somalia  oo ka soo horjeeda baar Italia  ee Isgoyska Shaqaalaha.

Maqaaxida qaraxa uu ka dhacay waxaa xiligaas ku sugnaa dad fara badan oo halkaas kaga dugaashanayay roob xiligii maqribkii kadib ka da’ay Magaalada muqdisho.

Laamaha amaanka Dowladda ayaa sheegay in gaariga qarxay ay eryanayeen Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka balse uu ku qarxay wadada Maka almukaramah.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegtaya mas’uuliyada qaraxaan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here