Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qarax gaari lagu dhax farsameeyay oo maanta ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye wadada Maka Al mukarama ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal katirsan ciidanka Nabad sugida Soomaaliya.
Sarkaalka ayaa ka bad baaday qaraxa gaarigiisa loogu xiray, magaciisa ayaa lagu sheegay sharmake Jaamac Xassan, waxuuna katirsan yahay Saraakiisha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya .
Qaraxa kadib masuul katirsan dowladda oo goobta ku sugan ayaa inuu sheegay inuu bad qabo sarkaalka bartilmaameedka ahaa, balse bur bur xoogan uu soo gaaray gaarigiisa oo qaraxa lagu dhax habeeyay.
Wararkii ugu danbeeyay ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta kuwaa oo ka qaaday gaariga qaraxa loogu xiray sarkaalka oo bur bur uu soo gaaray.





