Faah Faahin: Agaasime Maxamed Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo magaalada muqdisho ku dilay Agaasimahii Sharikadda Starup Grind oo dhallinyarada ku dhiirro gelisa Ganacsiga iyo hal abuurka.

Kooxo hubeysan ayaa maxamed dilay xili uu saarnaa gaarigiisa oo marayay aaga Isgoyska Banaadir.

Marxuum maxamed ayaa madax ka ahaa shirkadaasi oo dhallinyarada ku dhiirro gelisa Ganacsiga iyo hal abuurka, waxaana maanta lagu dilay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sarkaal katirsan Laamaha amaanka Muqdisho oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inuu jiro dilkaasi, waxuuna sheegay in wali taliska amaanka Magaalda uu ku guuleysan wayay soo qabashada ragii ka danbeeyay dilka Agaasimahii Sharikadda Starup Grind ee magaalada Muqdisho.

Lama oga sababa ka danbeeya dilka agaasimahaasi, mana jirto ilaa hada cid sheegatay mas’uuliyada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here