Xarakadda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magaca Ninkii Fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii aynu soo dhaafnay lagu galay Saldhiga Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Jubba-land ee Deegaanka baar-sanguuni ee Gobolka jubadda Hoose.
Xasan Macallin Cabdi Maxamed oo ku magacdheer Jaamac ama Mucaad wuxuu ahaa dagaalyahankii ku daahfuray weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee dhowaan ka dhacay saldhig kuyaal deegaanka Baarka ee Jubbooyinka.
Mucaad oo ka dhashay beesha Luwaay, kana soo jeeda degmada Xudur ee Goboladda Baay iyo Bakool wuxuuna ka tirsanaa Shabaab-ka ka howlgala Gobolka hiiraan.
Al-shabaab oo weerarkaan ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ku dileen 27-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Jubba-land.

