Abuu Muscab:-“27 Askari Ayaan Ku Dilnay Qaraxii iyo Dagaalkii Baar Sanguuni”,

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay dagaalkii iyo qaraxii saakay ka dhacay Saldhiga Baar-sanuuni ee Duleedka Magaalada Kismaayo ee  Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkaan ayaa ku bilowday qarax Ismiidaamin ahaa oo lagu galay Saldhiga Ciidamadda Jubba-land ay ku leeyihiin Baar-sanguuni,waxaana kadib dhacay dagaal dhex-maray Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga iyo Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada Al Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta Shabaab, ayaa sheegay in ugu yaraan 27 askari ay ku dileen weerarkii ka dhacay Baar Sanguuni

“Ugu yaraan 27 askari ayaa Jubba-land uga dhimatay howlgalkii ay Shabaab ku qaadeen Ciidamada Dowladda ee Mareykanku uu dajiyay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaa kale oo jirta in Shabaab horey usii qaateen qateen saanado melleteri oo Ciidamadda saldhigga uyiillay” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab

Dhanka kale Sarakiisha Jubba-land oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka lagu jabiyay Ciidamadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,islamarkaana Saldhiga ay ku sugan yihiin Ciidamadii Jubba-land iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here