Al Shabaab Maxaa U Fududeeyay Iney La Wareegaan Saldhiga Af Urur (Akhriso)

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta rasmiga ee Al shabaab u suura galisay la wareegi taanka deegaanka Af urur iney tahay puntland oo ciidankii ku sugnaa buuraha gal gala u daad gureysay Tukaraq.

Saraakiil katirsan Militaryga iyo kuwa sirdoonka Puntland oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay qaar  kamid ahaa guutooyinka ciidanka ee ka howlgali jiray buuraha Gal gala iyo deegaanada ku hareereesan in loo weeciyay gurmad ahaan jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidanka daraawiishta Puntland  kuwa difaaca maamulka aqoonsi raadiska ah ee Somaaliland.

Deegaanka Af Urur ayaa sidaan oo kale gacanta Puntland uga baxay dabayaaqadii 2017 kadib guutooyin ka ciidan maamulkaasi ee halkaasi ka howlgalayay loo  daad gureeyay dagaal Puntland ay kula jirtay Galmudug oo ka soconayay xiligaasi magaalada Gaalkacyo ee xarunta  gobalka Mudug, balse xoogag ka tirsan Al shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka kuwaa oo goobta ku dilay in ku dhaw 60 askari oo kamid ahaa ciidankii Puntland ay uga tagtay deegaanka Af-Urur ee duleedka magaalada Boosaaso.

Al shabaab ayaa caada ka dhigtay bila kadib weerarka deegaanka Af Urur oo loo arko inuu kamid yahay deegaanada laga difaaco magaalo xeebeedka Boosaaso xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Waxii Ku Soo Kordha Kala Soco Facebook Radio Simba Ama Simbanews.Net

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here