Wararka ka imaanaya Magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in halkaasi lagu toogtay ganacsado caan ahaa magaalada iyo deegaanada ku hareereesan.
Kooxo Burcad Koofur Afrikaan ah ayaa geystay weerarka Sida ay xaqiijiyeen Ganacsatadda magaaladda.
Laamaha amaanka Cape Town ayaa gaaray goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan,kana mid ah muwaadiniinta Soomaaliya ee sida arxan darada loogu xasuuqo dalka Koofur Afrika.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladda Cape Town ayaa halkaasi ka qaaday meydka marxuum Ex ganacsade Cabdi Muxudiin Jimcaale oo lagu naaneesi jiray Allah u naxariistee ( Cabdi Baasto ).


