Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Culimadda Kala Hadlay Hawlaha Hor-yaalla Dawladda

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay dalladda culimada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay xaaladda dalka, hawlaha hor-yaalla dawladda, amniga, hagaajinta garsoorka iyo arrimaha Xajka.

Shiikh Cali Wajiis oo ka war-bixiyay kulanka ay xubnaha ka socday dalladda culimadu la qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talooyin wax ku ool ah oo kaabaya horumarinta dawladnimada lagu soo bandhigay, kulankana si gaar ah loogu lafa-guray arrimaha xajka, hagaajinta garsoorka iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa culimada la wadaagay qorshaha amniga dalka iyo natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ugu dambeeyay ee laga yeeshay horumarinta guud ahaan ammaanka dalka Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay Culimada in ay ka qayb qaataan dagaalka looga soo hor-jeedo Al-shabaab, bulshadana loo sheego in ficillada Shabaab ay ka fogyihiin diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban.

Intii uu socday kulanka ay Ra’iisul Wasaaraha la yeesheen xubnaha metelayay dalladda culimada Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cabdulqaadir Soomow, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Wajiis iyo Dr. Maxamed Xaaji ayaa waxaa laysla gartay in la joogteeyo wadatashiyada madaxda dawladdu ay la yeelanayaan culimada Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here