laamaha amaanka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay wiil aabahiis ku dilay deegaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamul gobaleedka Jubbaland.
Saraakiisha ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay C/laahi Shariif Kalar inuu dhintay, kadib markii wiil uu dhalay uula dhacay baangad xili uu ku sugnaa deegaanka Buulo-gaduud ee duleedka Kismaayo.
Wali lama oga sababta rasmiga ee ka danbeysay in wiilkaasi uu dilo aabahiis C/laahi Shariif Kalar,balse saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in willkaasi loo dhaadhiciyay saldhiga ciidan oo ku yaal Kismaayo, halkaasi oo laamaha amaanka ay ku weydinayaan su’aalo la xiriira sababta rasmiga ee ku dilay aabahiis.
Sarkaal katirsan ciidanka dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Radio Simba u sheegay in arimaha la xiriira wiilkaasi ay dib kala wadaagi donaan saxaafada kala soco Barta Facebook Qor: Radio Simba


