Al-Shabaab oo Shaaciyay Magaca Ninkii Fuliyay Weerarkii Lagu Qaaday Villa Soomaaliya

0

Xarakada Al shabaab ayaa soo bandhigtay magaca deegaanka iyo qabiilka uu u dhashay mid kamid ahaa ragii ka danbeeyay weeraro toos iyo qaraxyo isugu jiray oo lagu qaaday Villa Soomaaliya.

Duhurnimadii sabtida oo taariikhdu ku beegneyd 14-July- 2018 dhanka Hirjrigana ay ku taariikh saneyd 01-da bisha dul-Qacdah, 1439, ayaa weerar qaraxyo iyo dagaal toos ahaa lagu qaaday afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee looga arimiyo talada guud ee Qaranka Soomaaliya.

Al shabaab ayaa sheegay in weeraro saf balaaran ay ku qaadeen xarumo isku raran ah oo ay ku jiraan xarunta madaxtooyada iyo Hotellada aadka loo ilaaliyo ee ay dagan yihiin madaxda dowladda Somaaliya.

Maxamed Xuseen Sh. Rooble oo kamid ahaa ragii fuliyay howlgalkii sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan afaafka Madaxtooyada Soomaaliya

Al shabaab ayaa sido kale shaaciyay magacyada kale ee loo yaqaanay ruuxaasi iney yihiin Cabdi Ladhiif, ama Deeqoow Xiirane, waxuu ahaa ninkii ka xeynayay mid kamid ah gadiidka waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ee lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Cabdi Ladhiif ayaa sanad ahaan lagu sheegay inuu jiray 24 sano ku dhashay degmada Jilib ee Jubbada Hoose, wuxuuna ka soo jeeday beesha Jiido ee degta Koofurta Soomaaliya, sida Al shabaab sheegeen.

Wareysi uu siiyey warbaahinta Shabaab ka hor inta uusan fulin Cabdi Ladhiif weerarka Ismiidaaminta ku soo gudbiyey arimo dhowr ah oo ku dhaliyey weerarka is qarxinta ahaa, kuna soo gudbiyey fariimo iyo dardaarano kala duwan oo ku wajahan dadka Soomaaliyeed iyo ciidamada kale ee Xarakad Al shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here