Ciidamada Dowladda oo Dad Shacab ahaa Ku laayay Duleedka Muqdisho+Banaan-bax Socda

0

Wararka ka imaanaya duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya dad shacab ahaa ay ku laayeen deegaanka Siinka dheer ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka iyo cagaf-cagafyo ayaa burburin ku bilaabay saakay guryo ku yaala deegaanka Albiri ee duleedka muqdisho.

Intii ay burburinta socotay ayaa waxaa banan-bax dhigay dadkii guryaha laga burburiyay taasina waxa ay keentay in Ciidmadda ay rasaas ooda kaga qaadaan dadkii banaan-baxa dhigayay.

Inta la xaqiijiyay 3-ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen rasaasta Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in Ciidamadda ay dadka ku ridayeen qoryaha dhashiikaha dhaca.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here