Afaraale:-“Dhibaatooyin aan Lasoo Koobi Karin ayay Qabaan Shacabka Ku nool Baay”,

0

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo kamid ah Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda simba ee muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dhibaato ay qabaan shacabka ku nool gobolka Baay.

Dhibaatadda ayuu sheegay in ay ka taagan tahay waddada xiriirisa magaalooyinka baydhabo iyo Muqdisho, ayna shacabka ku safra wadooyinkaas ay tacadiyo kala duwan kala kulmaan rag ku labisan dareeska Ciidanka dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale xildhibaan Afaraale oo sii hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose asigoona sheegay in ay shacabka halkaasi ku nool ay halka loor bariiis ay ku iibsadan 25 doolar taasina ay caqabad ay tahay.

Wadooyinka soo gala magaaladda baydhabo ee Gobolka Baau ayuu sheegay in ay isbaarooyin ay u taallo ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here