Faah-faahin:-Qaraxyo Ka Dhacay Magaladda Muqdisho iyo Rasaas La Maqlayo

0

Qaraxyo xoogan  ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliy

Qaraxyadda oo Labo ahaa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Rag hubeysnaa ayaa qaraxyadda ka hor weeraray Fariisimo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leyihiin Isgoyska Umbulutooriyadda.

Kooxaha hubeysnaa ayaa la sheegay in gaariga ay ka dageen in uu qaraxa ka dhacay,islamarkaana uu dagaal dhexmaray Ciidamadii ku sugnaa Isgoyska Umbulutooriyadda.

Waxaa haatan la maqlayaa rasaas xoogan.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadda.

Kala soco simbanews.com wixii kusoo kordha

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here