Wararkii ugu danbeeyay Nabadoon lagu dilay mid kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.
Kooxo hubeysan ayaa degmada dayniile ee magaalada muqdisho ku dilay Nabadoon Deerow Dhaqane Maxamed oo la sheegay inuu katirsanaa odayaashii soo xulay qaar kamid ah Baarlamaanka Jubbaland.
Laamaha amaanka dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu dilkaasi ka dhacay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka Nabadoonka oo kooxihii dilkiisa ka danbeeyay ay goor hore isaga baxsadeen halkaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al shabaab ayaa lagu sheegtay Mas’uuliyada in rag ka tirsan Xarakada ay ku dileen magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho Nabadoon Deerow Dhaqane Maxamed oo kamid ahaa ergada soo xushay xubnaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.
Maamulka degmada Dayniile ee gobalka Banaadir oo xiriiro Simba ay la sameysay ayaa xaqiijiyay iney wadaan baaritaan ku aadan dilka la sheegay in loo geystay Nabadoon Deerow Dhaqane Maxamed.
Ugaarsiga Nabadoonada ka qeyb qaatay soo xulista Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid noqday mudooyinkii ugu danbeeyay dadka loogu dilista badan yahay Magaalada Muqdisho, marka laga tago shaqaalaha dowladda ama ciidamada Amaanka iyo kuwa Booliska Soomaaliya.

