Maamulka Somali-land oo Ka Jawaabay War Kasoo Baxay Qaramadda Midoobay+Dhageyso

0

Maalin ka hor Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya degaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yiri keeni karta qalalaase bani’aadanimo oo laga baaqsan karo.

Cabdikariin Maxamed gudoomiyaha heyada qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliland ayaa beeniyay warka kasoo baxay Qaramada Midoobay kaas oo ay ku sheegeen in Tukaraq 12 kun oo qof ay ku barakaceen  dad dhawr ahna ay ku dhinteen  colaada haatan taagan balse warkaasi waa uu beeniyay

Dhinaca kale mid kamid ah culimaa’udiinka ugu da’da weyn deegaamada Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay madaxda ugu saraysa deegaamada Puntland inay dedejiyaan dagaalka lagu xoraynayo gobolka Sool isagoona sheegay in dagaalku yahay jihaad waajib ah oo qofkii kudhinta uu yahay mujaahid shahiiday kuna dhintay difaaca dalkiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here