Taliska ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ka dhan ahaa Xoogaga Al shabaab oo ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada Baay Iyo Bakool.
Korneel Cabdiraxaan Maxamuud Teysooow oo kamid ah saraakiisha Difaaca koofur Galbeed oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in degmada Waajid ee gobolka Bakool ay go’doomiyen ciidanka Alshabaab balse Korneelka ayaa sheegay in dhawaan ciidamada koonfur galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay isku diyaariyeen iney go’doonka Xoogaga Al shabaab ka dul qaadan degmada Waajid ee gobalka Bakool.
Korneel Teysoow oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in ciidamada howlgalka fulinaya aysan ku jirin military-ga Itoopiya, balse sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada koofur galbeed iyo kuwa dowladda kaliya ay ka qeyb qaadanayaan howlgalkaasi go’doonka looga saarayo Degmada Waajid ee GOBOLK Bakool.

