Yaa Lala Beegsan Rabay Moonooyin Laga Saaray Wadada Isku Xirta Jalalaqsi Iyo Baladweyne + Dhageyso

0

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin katirsan maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha ciidanka dowladda ee degmada Jalalaqsi Faarax Cabdi Axmed oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay wadada isku xirta degmooyinka Baladweyne iyo Jalalaqsi howgalo ka dhacay in wadada looga saaray miinooyin farsameysan oo Xoogaga Al-shabaab ay kugu tala-galeen iney ku beegsadaan ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom ee ku socdaala wadooyinka isku xira degmooyinka Jalalaqsi iyo Baladweyne.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Jalalaqsi oo sii hadlayay ayaa sheegay in ciidamo huwan ah howlgalo ay ka sameeyeen wadooyin isku xira deegaano iyo degmooyin katirsan gobalada Hiiraan, Shabeellaha dhaxe oo inta badan ay galaan ama howlgalo ay ka sameeyaan ciidanka Al shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada AMISOM , dowladda iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayuu taliyaha sheegay in wadada looga saaray Dagaalyahano ka amar qaata Al shabaab oo halkaasi ka howlgali jiray.

Wadada dheer ee isku xirta deegaano iyo degmooyin katirsan gobalada Hirshabelle iyo magaalada madaxa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca weeraro dhiig badan uu ku daato oo lala beegsado ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku socdaala wadooyinka.

Dhageyso  Codka:- Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Jalalaqsi Faarax Cabdi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here