Dowladda oo Ceeb Tii Ugu Weyneyd Kala Kulantay Basaska ay Ugu Talagashay Shacabka Muqdisho !!

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Shacabka Magaaladda Muqdisho ay u diyaarisay Basas Waaweyn oo lacag la’aan ah kuwaasi oo qaadaya inta ay xiran yihiin Wadooyinka magaaladda,munaasadda 1-luulyo awgeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Shiikh Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in qorshaha uu yahay mid loogu talagalay in shacabka aysan la kulmin dhibaatooyin inta ay xiran yihiin wadooyinka.

Sidoo kale Wasiir Geelle ayaa shacabka Magaaladda Muqdisho ugu baaqay in ay u dulqaad muujiyaan inta ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho.

Balse arrinta la yaabka noqotay ayaa ah markii lacago laga qaaday qaar kamid ah dadkii kasoo raacay Degmooyinka Wadajir,Dharkinley iyo Hodan.

Qaar kamid ah dadkaas oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in lagu wargaliyay markii ay soo raaceen kadib in lacago laga doonayo.

“Waxaan maqlay in wadooyinka ay xiran yihiin balse waxaa la ii sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gaadiid lacag la’aan ah shacbaka ugu talagashay munaasabadda 1-luulyo,waxaan kasoo raacay gaariga Degmadda Wadajir markaan imid isgoyska Dabka waxaa laygu wargaliyay in lacag layga doonayo waxaan bixiyay 0.5 dollar”, ayuu yiri mid kamid ah dadkii soo raacay gaadiidka dowlada ay sheegtay in lacag la’aan yihiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gaari walba ay saaran yihiin Ciidamo ku hubeysan bastooladdo kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka hortagaan dadka buuqa ka dhex sameyn kara gudaha Gaadiidka ama diida in ay lacagaha bixiyaan.

Arintaan ayaa ceeb ku noqon doonta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay shalay in lacag la’aan yihiin gaadiidka shacabka qaadaya 1-luulyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here