Maamulka deegaanka baxda ee gobalka galgaduud ayaa ka hadlay xaalada kala duwan ee uu ku sugan yahay deegaanka iyo sido kale deegaank ineysan joogin ciidamo ka amar qaata maamulka galmudug.
Gudoomiyaha deegaanka Baxda ee Gobalka Galgaduud Yuusuf Cali Khayre oo la hadlay Radio Simba ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada amaan ee deegaanka iyo isku dhuubnida shacabka halkaasi.
Mudane Yuusuf Cali Khayre ayaa sheegay ineysan jirin ciidamo katirsan maamulka galmudug oo ku sugan deegaanka Baxda, balse waxuu intaa raaciyay inuusa jirin wax dhibaata ah oo deegaanka ka jira.
Gudoomiyaha deegaanka Baxda ee Gobalka Galgaduud Yuusuf Cali Khayre ayaa sheegay inuu qabyo marayo isbitaal weyn oo deegaanka laga dhisaayo oo uu sheegay in dhismahiisa wali la wado.
Dhageyso Codka:- Gudoomiyaha deegaanka Baxda Yuusuf Cali Khayre

