Dowladda Itoopiya oo Madaxweyne Farmaajo U Soo Dhaweysay Sidii Gudoomiye Gobal (Warbixin + Sawirro)

0

Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayay wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa hore Riek Machar ayaa  shalay ka dhacay Itoopiya.

Madaxda afrika qaar kamid ah ayaa ka qeyb galay shirkaasi lagu dhax dhaxaadinayay hogaamiyaasha South Sudan, dhanka Somaaliya waxaa kaga qeyb galay wafdi uu hogaaminayay madaxweyne Farmajo.

Wafuuda kala gedisnaa ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa waxaa garoomada diyaaradaha magaalo madaxda Itoopiya ee Addis Ababa kusoo dhaweynayay Raisal wasaaraha dalkaasi Abi Ahmed, balse madaxweynaha Soomaaliya markii uu gaaray Addis Ababa majirin soo dhaweyn caalami ah oo loo sameeyay waxaa loola dhaqmay sidii hogaamiyaasha maamulada Itoopiya, garoonka diyaaaradaha caasimada dalkaasi waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo wasiirka arimaha dibada Itoopiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa garoonka Bole ku soo dhoweeyay Madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya, iyo wafdi ka socday qaar kamid ah dalalka qaarada afrika ee ka qeyb galayay shirka IGAD ee Ethiopia.

Dhanka kale aan dib idin xasuusiyo soo dhaweyntii caalamiga aheyd ee caasimada Soomaaliya loogu sameeyay isbuuc ka hor Raisal wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed, oo aheyd soo dhaweyn muwaadiniin Soomaaliyeed ay ka keeneen su’aalo kala duwan, maadaama soo dhaweyntaasi ay aheyd mid aan hore loo arag, kadib markii inta badan wasiirada xildhibaanada iyo madaxda ugu sareysa dalka ee uu ugu mug weynaa madaxweynaha Soomaaliya ay saf dheer u galeen iney salaamaan Raisal wasaaraha Ethiopia.

Warbaahinta gudaha iyo dibada qaar kamid ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay soo dhaweynta u muuqatay mid lagu bahdilayay madaxweyne farmaajo oo loola dhaqmay sidii mid kamid ah hogaamiye maamulo gobal katirsan dowlada Ethiopia oo lagu soo dhaweynayay caasimada dalkaasi ee Addis Ababa.

Hadal taariikhda galay oo inta badan dadka soomaaliyeed iyo dalalka daneeya arimaha Somaaliya uu maskaxdooda ku taagan yahay ayaa ahaa “ mustaqbalka dhaw Soomaaliya waxee noqon doontaa gobal katirsan dowladda Itoobiya” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya ee Meles Zenawi.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa shaki ka qaba hab dhaqanka madaxda xiligan hogaamineysa dalka ee loo arko iney u jar jeerto dowladda Ethiopia oo ciidankeeda ay ka howlgalaan gobalo katirsan Soomaaliya.

W/Q:-  CADNAAN KAPUL

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here