Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa u bilaanaya Socdaal ay ku marayaan deegaanada Gobalada Sool,Sanaag iyo Togdheer qeybo ka mid ah ay ka jirto Colaad wajiyo kale duwan leh oo saameyn Xoogan ku yeeshay deegaanada Gobaladaasi.
Madaxweyne Muuse Biixi Socdaalkiisa waxaa ku wehelinaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Daahir Riyaal kaahin iyo Mas’uuliyiinka ka tirsan Xukumada iyo Golaha Guurtida Soomaaliland sida Idaacada Simba ay u Xaqiijiyen Mas’uuliyiinta Maamulada Gobalada iyo Xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye.
Mudane muuse biixi ayaa gaaraya Degmooyinka Ceerigaabo , Ceel-afweyn oo ka tirsan Gobalka Sanaag ,halkaas Dagaal beeleedyo ay ka jiraan dhanka Gobalka Sool waxaa uu Tagi doono Magaalada Laascaanood iyo deegaano Hoostaga halka Gobalka Togdheerna uu ka booqan doono Magaalada Burco oo maalmihii danbe ay ka dhacayeen Barshado ka dhan ah Maamulka Soomaaliland sida uu Idaacada Simba u Xaqiijiyey Cabdi Boqor Axmed oo ka mid Odayaasha dhanka Soomaaliland ee Degmada Ceel-afweyn ee Gobalka Sanaag oo Madaxweyne Muuse Biixi uu Booqan Doono.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ayaa maanta ku Guuleystay inay kala Qaadaan Maleeshiiyaad isku Hor fadhiyey Degamada Ceel-afweyn iyo Tuulada darar-weyne ee Gobalka Sanaag, si madaxweynaha Soomaaliland ay ugu suurto gasho in uu tago gudaha degmadaasi Degamada Ceel-afweyn Cabdi Boqor ayaana Sheegay in Maleeshiyaadkii hubeysnaa laga qaaday Goobihii ay isku hor fadhiyeen islamarkaana la geeyey Ciidamada Soomaaliland.
Warar aan la Xaqiijin ayaa Sheega in Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqan Doono Goobaha ay isku hor fadhiyaan Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa Maamulka Puntland ee Gobalka Sool inkastoo mas’uuliyiinta Gobalka Sool ay ka gaabsadeen.

