Haweeneydan oo mudo labaadi goobayay isla markaana suura galisay dhowr weerar oo ka dhacay Kenya ayaa haatan isku dhiibtay masuuliyiinta dagmada wajeer dhulka soomaaliya ee ay Kenya Maamusho.
Mumina Eroba ayaa mudo waxaa baadi goobayay ciidamada amaanka dalkaasi taa oo lagu eedeeyay in ay ka dambesay isla markaana qeyb weyn ay ka qaadatay weerarkii bishii February ka dhacay deegaanka Qarsa ee dagmada wajeer halkaa oo ku dhawaad afar qofood ay ku dhinteen labo kamid ah dadkaasi la dilay ayaa lasheegay in ay ahaayeen macalimiin wax ka dhigayay school kuyaala deegaankaasi.
Isku xiraha gobolka waqooyi bari Kenya Mohamud Saleh ayaa usheegay wargeska The star in isa soo dhiibida Mumina Eroba ay soo dhawey nayaan isla markaana ay tahay hooyada dhashay Abdiwahab Osman oo larumeysan yahay in uu katirsan yahay Ururada Xagjiriinta Soomaaliya, isla markaana uu kaqeyb qaaday weerar kadhacay dagmada wajeer ee lagu dilay 8 saraakiil oo Boolis ka Kenya ah kadib markii miinada dhulka lagu aaso ay haleeshay gaarigii ay saarnaayeen ciidankaasi.
Dhanka kale ciidamada Boolis ka dagmada wajeer ayaa carabaabay in Haweneydan ay kaqeyb qaadatay dhowr weerar oo kadhacay deegaankaasi isla markaana Qatar ay ku aheyd amniga guud ee wadanka
Ugu dambeyn Isku xiraha gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa sheegay in Abduwahab osman markiisii hore uu ahaa macalin dugsi Quraan, intii udhaxeysay 2014 kii ilaa sanadii 2016 kii iyadoona bartamihii sanadii 2017 dii usoo talaabay gudaha soomaaliya isagoona waalidkiisa usheegay in uu howlo shaqo utagayo Soomaaliya, balse meysan dhicin oo waxaa uu kubiiray Ururada Mintidiinta Soomaaliya.

