Galmudug oo Sheegtay in La Qaaday Isbaarooyinkii Yaalay Gaalkacyo iyo Cadaado.

0

Taliska Ciidamadda Booliska Magaaladda Gaalkacyo ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in lagu guuleystay in dhamaan la qaado isbaarooyinkii sharcidaradda ahaa ee yaalay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado.

Taliye Ku-xigeenka Booliska Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Maxamuud Cilmi Qulaafe oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaladda Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda isku dhafka ee Maamuladda Puntland iyo Galmudug oo iskaashanaya  ay ku guuleysteen qaadista isbaarooyinka, ragii ay u taalana gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada gaalkacyo in ay la shaqeeyaan Ciidamadda amaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here