Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay iney sii xumaaneyso wadashaqaynta AMISOM iyo Baarlamaanka, xadgudibyo badana ku eedeeyay iney u geysteen Madaxda Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Cawad oo shir Gudoomiyay Kulanka Joogtadda ee Golaha shacabka oo galabta ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay maanta u diideen In uu gudaha u galo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Ciidamadda AMISOM ee ku sugan barta Kontoroolka ee Madina Gate ayaa maanta xanibay Kolonyo galbineysay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi oo Safar dibadda ah ugu amba baxayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Ciidamadda AMISOM ayaa Gudoomiye Cabdi Xaashi waxa ay u sheegeen in aysan heyn Ogolaanshiyo ay ku fasaxaan.
Dhanka kale Golaha Aqalka Sare ayaa cambaareeyay is hor istaaga maanta lagu sameeyay Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare,waxayna dalbadeen in ay arintaan Amisom ka hadasho.

