Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan gudaha Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague, ayaa gudbiyay jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Axmed Cali Daahir waxaa wehliya qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi.
Galka Dacwadeedkan ayaa waxaa lagu balansanaa in Ergadan mataleysa Soomaaliya ay Maxkamadda ku wareejiyaan maanta oo ay ku beegantahay Taariikhda 18/06/2018 saacadu bariga Afrika markey aheyd 4:30PM ama 3:30-PM xilliga Netherland.
Dhanka kale Waxaa Maxkamadda dhankooda gaaray Ergo ka socota dowladda Kenya, oo gudbin doona Gal dacwadeed Muranka Badda.
Maxkamadda ICJ ee dalka holland ayaa go’aamisay Sanadkii hore ay in qaadi doonto Muranka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.






