Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.
Taliyaha iyo Saraakiishii la socotay ayaa tagay deegaanada kala ah Baar-sanguuni,kaban iyo Tuulo hoos tagta Degmada jamaame, iyagoona u kuur galay Amniga deegaanadaasi.
Ugu horeyntii Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka ay ka wareegeen Al-shabaab.
Dhanka kale Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.
Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa Todobaakii hore ku dagaalamay deegaanka Sanguuni ee duleedka Magaaladda Kismaayo,waxaana sidoo kale ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa.







