Dowladda Mareykanka oo Xaqiijisay in Askari Loogu Dilay Gudaha Soomaaliya

0

War qoraal ah oo kasoo baxay mareykanka ayaa lagu sheegay in mid kamid ahaa ciidamada marekanka lagu dilay gudaha soomaaliya halka 4 kamid ah ciidamada marekanka dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray weerar kaasi lagu qaaday goobo ay ku xooganaayeen xarakada alshabab oo kuyaala gobolka jubada hoose.

Weerarkan oo dhacay 02.45 oo pm ah waqtiga geeska afirca halkaa oo lasheegay in howl galkaasi ay iska kaashanayeen ciidamada gaarka ah ee marekanka iyo ciidamada dowlada soomaaliya iyo ciidamo kasocda dalka Kenya oo tiro ahaan marka lisku daro gaaraya 800 oo ciidan oo caawinaya ciidamada marekanka ah ee howl galka kawada koonfurta iyo bartamaha soomaaliya

Waa markii ugu horeysay ay shaaciso dowlada mareykanka afar sano kadib dilkan loogaystay ciidankeeda kamid markii afar sano kahor qaar kamid ah ciidankeeda lagu dilay dalka Niger

Howl galkan ee ciidamada marekanka ay kageysteen jubada hoose  oo qiyaas ahaan koonfur galbeed magaalada muqdisho ujirta 350 kilometers oo udhiganta (217 miles) iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in mid kamid ah ciidamadii howl galka lafulinayay mareykanka uu dhaawac kasoo gaaray halka mid kamid ah ciidamada marekanka sidoo kale uu isna kudhaawacnay weerarkaasi balse dhaawac yadooda ay ahaayeen kuwa aad ufudud.

Ku dhawaad 1,000 askari oo katirsan ciidamada gaarka ah ee marekanka ayaa kusugan geeska africa kuwa oo dagaal kula jira ururo kadhisan dalalkaasi iyadoona kolhore war kasoo baxay waaxda difaaca marrekanka lagu sheegay in layareen doono ciidamada marekanka ee kusugan gudaha soomaaliya

Dhanka kale Al-shabab aya sheegtay masuuliyada weerarkii jimcihii ka dhacay jubada hoose in ay kudileen ciidamo marekanka ah kuwa kalana dhaawacyo kala duwan ay ugeysteen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here